
3/4 Mashruuca Bujagali Hydroelectric Power (Uganda)
1. Ogolaanshaha iyo Heshiiska:
Mashruuca Bujagali Hydroelectric Power waa mashruuc biyo xireen loogu talo galay in laga dhaliyo koronto awoodeedu tahay 200 MW (megawatts) oo laga fuliyay wabiga Nile, goob la yiraahdo Bujagali water falls oo 80km u jirto caasimadda Uganda ee Kampala.
Mashruuca waxaa meelmariyay baarlamaanka Uganda sanadkii 1999 kadib 11 bilood oo ay ka doodayeen. shirkadda AES Nile Power (AESNP) oo ah shirkad iskaashi ay sameeyeen shirkadaha AES Corporation iyo Madhvani Group ayaa heshiis la saxiixatay dowladda Uganda.
Heshiiskaas waxa uu nuuciisu ahaa nidaamka PPP si gaar ah Build-Own-Operate-Transfer (BOOT), oo shirkadda AESNP u ogolaanayay in marka ay dhisto ay iyada lahaato oo ku shaqeyso muddo 30 sano ah, kadibne gacanta Dowladda Uganda ku soo celiso.
2. Dhisidda Mashruuca:
Dhisidda Bujagali Hydroelectric power waxaa uu si rasmi ah u bilaabmay May 2007, laakiin waxaa jira caqabado siyaasadeed iyo maaliyadeed iyo eedeymo deegaanka iyo bulshada ah oo loo jeediyay oo ku qasbay inuu mashruuca daaho.
Mashruuca waxaa uu dhammaaday July 2012, markaas oo la bilaabay koronto bixinta rasmiga ah.
3. Qarashaadka Mashruuca:
Markii hore, lacagta mashruuca waxaa la qorsheeyay $582 milyan, laakiin mashruuca waxaa ku baxday $900 milyan.
Taageerada maaliyadeed waxaa ay ka koobnayd $115 milyan oo ah maalgelin iyo $464 milyan oo ah deyn oo loo maalgeliyay hay’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
4. Saamilayda iyo (Stakeholderska):
AES Corporation: Waxaa ay lahayd 94% saamiga mashruuca, AES waa shirkad Mareykanka laga leeyahay
Madhvani Group: Waxaa ay lahayd 6% saamiga mashruuca Madhvani iyaduna waxaa laga lahaa Uganda.
World Bank iyo African Development Bank: Waxaa ay bixinayeen taageero maaliyadeed.
Dowladda Uganda waxaa ay fududeyneysay sharciyada iyo siyaasadda guud ee mashruuca.
5. Saameynta Bulshada iyo Deegaanka
Mashruuca waxaa uu eedeymo culus kala kulmay Hay’adda la yiraahdo IRN (International River Network) iyo qubaro u dhaqdhaqaaqa ilaalinta deegaanka iyo NGO’s ka dhisnaa gudaha dalka Uganda. Waxaa ay xuseen in la bubrinayo deegaan cibaado, in la barakicanayo bulsho iyo in deegaanka uu caqabad ku yahay mashruuca iyo inaan mashruuca loo marin hab daah furan oo wax waliba la qariyay ee uu jiro madmadow iyo musuq.
Mashruuca waxaa uu saameeyay 2,236 qof oo ku noolaa agagaarka Bujagali iyo meeshii laga dhisay khadadka korontada. Bulshooyinkan waxaa loo sameeyay dib-u-dejin iyo magdhow.
Dad dhan 14,496 qof ayaa ka faa’idaystay mashruuca, iyagoo ka faa’iidaystay barnaamijka dib-u-dejinta iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyo shaqo abuurka.
AES (Applied Energy Service) iyo Madhvani iyo Dowladda Uganda waxaa ay sameeyeen Enviromental Impact assessment. Hase yeeshee, Eedeymahii xal waafi looma helin illaa intii uu mashruuca ka dhammaanayay waa ay taagnaayeen.
6. Mudada Heshiiska:
Heshiiska BOOT waxaa uu ahaa 30 sano (oo ka billaabaneyso marka la dhammeeyo dhismaha ee la billaabo koronto siinta) mashruuca waxaa uu dhismihiisa dhammaaday 2012, sidaasi darteed shirkadda waxaa ay gacanta dowladda ku celin doontaa sannadka 2042.
7. Faa’idooyinka mashruuca
Bujagali waxaa uu kordhiyay awoodda korontada dalka Uganda, waxaa uu soo saaraa 200 megawatts oo koronto ah. Waxaa uu wax ka badalay nolosha dad badan.
Mashruucaan waxaa uu sahlay in wadanka laga hirgaliyo warshado badan waxaa uuna wax badan ka badalay awooda korontada dalka.a uu sahlay in wadanka laga hirgaliyo warshado badan waxaa uuna wax badan ka badalay awooda korontada dalka