Maalgelinta mashaariicda PPPs

Maalgelinta mashaariicda PPPs Maalgelinta iskaashiga dheef wadaagga ah ee dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay (Public private partnership) waa hab isku dhaf maaliyadeed ah oo u dhexeeya dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Qormadaan waxaan ku eegeynaa qarashaadka kala duwan ee maalgelinta mashruucyadaan ee inta badan la adeegsado.:

1. Debt Financing (Deynta):

Deyntu waa lacagaha laga qaato hay’ado maaliyadeed sida bangiyada ama sanduuqyada maalgashiga. Deynta waa in la soo celiyaa iyadoo faa’ido lagu darayo. Labo nuuc ayaa loo qaybiyaa:

  • Secured Loans (Deyn la dammaanad qaaday): Waxaa deynta lagu dammaanad qaadaa hantida mashruuca, taas oo ka dhigaysa in haddii mashruucu guulaysan waayo, deynta lagu bixiyo hantidaas.
  • Unsecured Loans (Deyn aan la dammaanad qaadin): Tani waa deyn aan ku xirnayn hantida mashruuca, laakiin ku tiirsan awoodda shirkadda ama mashruuca inuu lacagta soo celiyo.

Tusaale: Shirkad gaar ah oo dhiseysa waddo waxa ay heli kartaa deyn bangi, iyagoo rabitaankooda yahay inay dib uga bixiyaan lacagta marka ay helaan dakhli.

2. Equity Financing (Maalgelinta Saamiyada)

Saamiga (equity) waa lacagta ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ama maal-gashadayaasha ku bixiyaan mashruuca iyagoo rabitaankoodu yahay inay qayb ka noqdaan faa’iidada mustaqbalka. Labada dhinac ee mashruuca ka qaybqaadanaya, sida dowladda iyo shirkadaha gaarka ah, waxa ah yeelan karaan saamiyo.

Tusaale: Shirkad gaar ah oo dhisaysa isbitaal ayaa ku maalgelin karta lacagaha maal-gashadayaal kuwaas oo faa’iido ka heli doona marka mashruucu bilaabo inuu dakhli soo saaro.

3. Grants (Deeqaha):

Deeqaha waa lacag bilaash ah oo laga helo dowladda ama hay’adaha caalamiga ah si loo taageero mashruuc gaar ah oo bulshada faa’iido u leh. Deeqda waxaa ay yarayn kartaa qarashaadka maalgelinta mashruuca.

Deeqaha waxaa inta badan bixiya hay’adaha maaliyadeed sida world Bank, African Developement Banka, IMF, IFC.

Tusaale: Mashruuc lagu hirgelinayo tamarta la cusboonaysiin karo (renewable energy) ayaa heli kara deeq ka timaado World bank si loo yareeyo qarashaadka bilowga.

4. Bonds:

Bonds waa qaab loo soo xareeyo lacagta iyadoo mashruuca uu boonnada u soo saaro maalgashadayaasha, kuwaas oo helaya faa’ido ama lacag-celin mustaqbalka marka mashruucu guulaysto. Waxaa jira noocyo kala duwan oo bonds, sida:

  • Project Bonds: Waxaa loo adeegsadaa maalgelinta mashruucyo gaar ah oo waaweyn.
  • Green Bonds: Boonooyin loogu talagalay maalgelinta mashaariicda deegaanka iyo tamarta nadiifka ah.

Tusaale: Waddo cusub oo lacag looga qaado baabuurta (toll road) waxa ay soo saari kartaa bonds  si loogu daboolo kharashaadka dhismaha, iyadoo maalgashadayaashu ka helayaan dulsaar.

5. Public-Private Co-Financing (Maalgelinta Wadajirka ah ee Dadweynaha iyo Gaarka ah)

Mararka qaar, mashruucyada PPPs waxaa si wadajir ah u maalgelin kara dowladda iyo shirkadaha gaarka ah, iyadoo ay labadooduba bixiyaan qayb ka mid ah qarashaadka mashruuca.

Tusaale: Isbitaal dowladeed oo shirkad gaar ah dhisayso, dowladda ayaa laga yaabaa inay bixiso qayb ka mid ah qarashaadka dhismaha, halka shirkadda gaarka ah ay maalgeliso qalabaynta iyo hawlgelinta isbitaalka.

Dowladda (Public Sector Financing)

Dowladdu waxay door muhiim ah ka qaadataa maalgelinta PPPs iyada oo:

  • Deeq siinaysa mashruuca ama bixinaysa lacag bilow ah (grant).
  • Kaalmo dhaqaale (Subsidy) bixineysa: Dowladdu waxaa ay ku caawin kartaa mashruuca kaalmo dhaqaale haddii dakhliga mashruucu aanu ku filneyn inuu daboolo kharashaadka.
  • Canshuur dhaaf: Mararka qaar dowladdu waxaa ay siin kartaa shirkadaha gaarka ah canshuur dhaaf ama qiimo dhimis canshuureed si loo dhiirrigeliyo maalgelinta mashruuca.

Tusaale: Dowladdu waxaa ay ka qayb qaadan kartaa dhismaha waddo iyadoo bixinaysa boqolkiiba 30% qarashka bilowga mashruuca, si si gaar ah loogu dardargeliyo hirgelinta.

6. Revenue-Generating Mechanisms (Hababka Dakhli Soo Saarka)

Markii mashruuc la maalgeliyo, waxaa jira habab kala duwan oo lacag dib loogu soo celiyo maalgelinta, kuwaas oo ay ku jiraan:

  • Tolling (Lacag laga qaado adeegga): Mashruucyada sida wadooyinka ama buundooyinka waxaa dakhli laga sameeyaa iyadoo baabuurta waddada laga qaado lacag.
  • Fee-for-service (Lacagta adeegyada): Mashruuc caafimaad oo ku saleysan PPP waxaa uu dakhli ka helayaa lacagaha bukaannada laga qaado.

Tusaale: Wadada lacagta looga qaado baabuurta isticmaasha, waxaa lacagtaas loo isticmaalaa in dib loogu bixiyo qarashaadka mashruuca.

7. Risk Allocation (qaybsiga Khatarta Maalgelinta)

Mashruucyada PPPs waxay wataan khataro maaliyadeed oo u baahan in si cadaalad ah u qaybsadaan dhinacyada shirkadaha gaarka ah iyo dowladda. Dhinacyada gaarka ah ayaa caadi ahaan qaata khataraha la xiriira:

  • Kharashaadka dhismaha iyo hawlgelinta
  • Kharashaadka dayactirka
  • Isbeddellada suuqyada ama dakhli la’aanta.

Dowladdu waxaa ay qaadan kartaa khataraha la xiriira arrimaha sharci ama deegaanka.

Tusaale: Shirkad gaar ah oo tareen dhiseysa ayaa wajihi karta khataro ku saabsan kharashaadka dhismaha iyo isticmaalka tareenka, halka dowladda ay qaadi karto khataraha in sharciyo ama xaalado degaan soo kordhaan.

Qarashaadka maalgelinta PPPs waxaa ay isugu jiraan deyn, saamiyo, bonds, iyo deeqo. Mashruuc kastaa waxaa uu u baahan yahay qorshe maaliyadeed oo sax ah si loogu guulaysto, iyadoo la tixgelinayo khataraha iyo faa’iidooyinka labada dhinac ee iskaashanaya. Marka ay saami lagu qaybsanaayo waxaa inta badan qubarada ku taliyaan in Dowladda yeelato wax ka badan 50% si ay iyadu u noqoto cidda ugu tunka weyn saamileyda si cadaalad ah.

La wadaag asxaabtada qormadaan qiimaha badan