- Who Cares Wins : Waa mabda’ ay soo saareen Qaramada Midoobay (United Nations) sanadkii 2004, kaas oo shirkadaha ku dhiirrigelinaya in ay qaataan mas’uuliyad bulsho iyo mid deegaan. Mabda’aan waxaa uu ku saleysan yahay fikradda ah in shirkadaha faa’iido badan heli karaan haddii ay si dhab ah u wanaajiyaan bulshada ay u adeegaan iyo deegaanka ay ku shaqeeyaan. Sidoo kale “Who Cares Wins” waxaa uu isku dayayaa inuu shirkadaha tuso in daryeelka bulsho iyo midka deegaan uu yahay istaraatiijiyad faa’iido u leh.

ESG (Environmental, Social, and Governance): aragtidaan ESG waxaa ay ku qotontaa saddex arrimood oo muhiim ah oo ay tahay in shirkadaha ka fiirsadaan:
- Deegaanka (Environmental): Shirkaduhu waa inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo saameynta taban ee ay ku leeyihiin deegaanka. Shirkadaha waaweyn qaar sida Unilever ayaa hirgeliyey qorsheyaal waara oo la xiriira yareynta isticmaalka biyaha iyo kaarboon-ka. Shirkadani waxay isku dayeysaa inay soo saarto alaab leh saameyn yar oo deegaanka ah, taas oo sumcad fiican u keeneysa shirkadda isla markaana soo jiidanaysa macaamiisha iyo maalgashadayaasha ka warqaba arrimaha deegaanka.
- Bulshada (Social): Qeybtan waxay diiradda saartaa sidii shirkaduhu ula dhaqmi lahaayeen dadka iyo bulshada ku xeeran. Shirkadaha sida Starbucks ayaa tusaale fiican u ah qaybtaan, iyagoo ku dadaalaya inay bixiyaan mushahar cadaalad ku dhisan, fursado shaqo oo siman, iyo inay kor u qaadaan barnaamijyada bulsho ee taageera shaqaalahooda iyo macaamiishooda. Starbucks wax a ay leedahay barnaamijyo taageero waxbarashada shaqaalaha, taas oo sare u qaadaysa sumcadda shirkadda isla markaana kordhinaysa daacadnimada shaqaalaha.
- Maamulka (Governance): Shirkaduhu waa inay leeyihiin nidaam maamul oo caddaalad ah, daahfuran, kuna saleysan isla xisaabtan. Tusaale ahaan, shirkadda Apple waxa ay aad uga shaqeyneysaa sidii loo hubin lahaa in gudiga maamulka iyo maareynta sare ay ka mid noqdaan dad ka tarjumaya kala duwanaanshaha bulshada. Sidoo kale, Apple waxa ay hubisaa in ay jirto daahfurnaan iyo isla xisaabtan marka ay timaado arrimaha la xiriira musuqmaasuqa iyo maamulka dhaqaalaha shirkadda.
Isku Dheelitirnaanta “Who Cares Wins” iyo ESG: - Mabda’ ee “Who Cares Wins” iyo Aragtida ESG waxay shirkadaha ku dhiirrigelinayaan inay noqdaan kuwo waara oo sumcad wanaagsan leh, taasoo faa’iido u ah ganacsigooda iyagoo sidoo kale daryeelaya bulshada iyo deegaanka. Shirkadaha sida Tesla, kuwaas oo ah horyaalka tiknoolajiyada nadiifka ah, waxa ay tusaale fiican u yihiin sida labadaas mabda’ ay isugu dhafan yihiin. Tesla waxa ay xoogga saartaa horumarinta baabuurta korontada ah iyo keydinta tamarta si loo yareeyo kaarboonka caalamka, taasoo shirkadda u keeneysa sumcad wanaagsan iyo faa’iidooyin dhaqaale oo xooggan.
Marka shirkaduhu qaataan mabda’a “Who Cares Wins” iyo aragtida ESG, waxa ay helaan faa’iidooyin ganacsi oo waara, sare u kac sumcadeed, iyo in ay soo jiitaan macaamiil iyo maalgashadayaal badan. Tani waxa ay muujinaysaa in ganacsiga wanaagsan uusan ahayn kaliya mid ku dhisan faa’iido lacageed, balse sidoo kale ay muhiim tahay in ganacsigu uu noqdo mid waara, daryeela deegaanka, oo ixtiraama bulshada.
Warsan!